U bood dhigaalka

Maamulka Mudug Ee Puntland Oo Ka Warbixiyey Howlgallo Laga Sameeyey Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in ammaanka magaalada Gaalkacyo ay waxbadan ka qabteen, kadib howlgallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Axmed Muuse Nuur oo ah guddoomiyaha gobolkaasi ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu sheegay iney soo qabteen dhallinyaro dhib ku haysay bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu tilmaamay guddoomiyaha in haatan ay baaritaanno ku wadaan dhallinyaradaasi, islamarkaana maxkamad lasoo taagi doono.

“Ammaanka wax badan ayaan ka qabannay, waxaan soo qabannay dhallinyao dhib ku haysay magaalada, kuwaas oo hadda baaritaanno ku hayno” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale, guddoomiye Axmed ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay la leeyihiin wadashaqeyn buuxda islamarkaana iska kaashadaan howlgallada ammanka ee ka dhaca gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ka howlgalada ciidamo isku dhaf ah kuwaasi oo si wadajir ah uga shaqeeya amniga magaaladaasi.

Goobjoog News