U bood dhigaalka

Maamulka Mudug Ee Puntland Oo Shacabka Ka Dalbaday Wadashaqeyn

Sheeko:Dalka

Maaamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee gobolka Mudug iyo dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolkaasi u qaabilsan maamulka Puntland, Xasan Maxamed Khaliif oo saxaafadda kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dilal badan loo geystay dad bulshada muhiim u ah, taasina ay timid kadib wada shaqeyn la’aanta ciidamada ammaanka iyo bulshada.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in ay la dagaallami doonaan cid walbo oo wax u dhimeysa amniga guud ee gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

“Gobolkaan waxaa dilooday wadashaqeyn la’aan iyo khilaaf, dilal badan baa ka dhacay inta aan aniga joogay waxgaradka lagu dilay magaalada Gaalkacyo aad bay u badan yihiin, arrintaan waxaan ka leenahay qof ilaahay maagay oo ajashiisu qoran tahay guddoomiye gobol ma badbaadin karo, inaad iska qabato cadowgaasi ku dilaya oo aad la dagaalanto waaye, wixii qarax ah iyo wixii dhibaato ah waxaan rabnaa inaan iska qabanno” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxaa maalmaha dambe kusoo badanayey falal amni darri, waxaana magaaladaasi ka dhacay dilal qorsheysan.

Goobjoog News