U bood dhigaalka

Maamulka Nugaal: Kheyre Hasoo Fuliyo Ballantii Uu Shacabka Ka Qaadey (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

C/salaan Xirsi oo ah guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa isaga oo saxaafadda kula hadlay magaalada garoowe wuxuu sheegay in ra’iisul wasaare Kheyre uusan weli fulin ballanqaadyo uu u sameeyey shacabka gobolkaasi.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa ka hadlay faraggelin uu sheegay in DFS ku hayso Puntland, islamarkaana ay xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale usoo dirtay magaalada Garoowe.

Waxa uu sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay in ay joojiso faraggelinta, islamarkaana wixii ay uga baahan yihiin Nugaal usoo maraan nidaamka dowliga ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News