U bood dhigaalka

Maamulka Nugaal: Waxaan Qabannay Rag Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Nugaal ayaa sheegay in ciidamada amniga ee Puntland ay howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno ka mid ah Puntland ay kusoo qabteen rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Cumar C/laahi Maxamed, guddoomiyaha gobolka Nugaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay aad u adkeeyeen amniga guud ee deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo, islamarkaana howlgallo laga sameeyay Boosaaso iyo Gobolka Nugaal lagu soo qabtey rag Al-shabaab ah.

Ma aanu sheegin guddoomiyaha magacyada raggan Al-shabaabka ay ka qabteen, iyo sidoo kale tiradooda inta ay la egtahay, balse wuxuu sheegay in hay’adaha dambi barista ay dadkan ku wadaan baaritaan.

“Ciidamada dowladda Puntland oo aad u feejigan waxay howlgallo ay sameeyeen kusoo qabteen rag ka tirsan nabad diidka Al-shabaab, waxaa ku socda baaritaanno, sidoo kale waa lagu raad joogaa haddii ay jiraan dad kale oo iyaga la shaqeynayey” ayuu yiri guddoomiyaha.

Deegaanno ka tirsan Puntland waxaa kusoo batey falal amniga ka dhan ah, waxaana marar badan ka dhacay deegaannadaasi dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Goobjoog News