U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Iyo Dowladda Itoobiya Oo Ka Wada Hadli Donnaa Arimo Ku Aadan Xiriirkooda Iyo La Dagaalanka Al-shabaab (Dhageysi Iyo Sawiro)

Sheeko:Dalka

Safarka Gaas3Maamulka Puntland iyo dowladda Itoobiya ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan arimo badan oo ku aadan amaanka, iyo xiriirka Labada dhinac ah.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Gaas oo maanta ka amba baxay magaalada Garoowe, kuna wajahan dalka Itoobiya ayaa faah faahin ka bixiyay uljeedka socdaalkiisa.

Waxa uu sheegay in safarkiisa uu qaadan doono muddo Sedax Maalin ah, islamarkaana ay ka wada hadli doonaan dowladda Itoobiya Xiriirka kala dhaxeeya Puntland iyo Arimo Iskaashi oo dhanka nabad galyada iyo ganacsida ku saabsan.

“Maanta waxaan u dhoofayaa magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya oo aan ku maqnaan doono muddo Sedax maalin ah, Itoobiya waxaan ka wada hadli donnaa Arimo ku Aadan Nabad Galyada, la dagaalanka Xagjirnimada iyo Arimo la xiriira hor marka dhaqaalaha” Gaas ayaa sidaasi yiri.

Safarkaan uu Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku aaday dalka Itoobiya waxaa ku wehlinaya Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiweli Indha Guran iyo xubno kale oo maamulkaasi ka mid ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Halkaan Hoose ka arag sawirada.

Safarka Gaas1

Safarka Gaas2

Safarka Gaas3

Goobjoog News