U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo Gaalkacyo Ka Billaabay Burburinta Dhismayaasha Sharci Darrada Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Mudug ee Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxa ay ka billaabeen howlgal ballaaran oo lagu doonayo in lagu burburiyo dhammaan guryaha iyo xarumaha sida sharci darrada ah looga dhistay wadooyinka magaaladaasi.

Waxaa la arkayay ciidamo badan oo ay hareer socdaan gaadiidka Cagafta loo yaqaan oo burburinaya dhismayaal aad u badan.

Sidoo kale dhulalka ay leedahay dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha la baneenyo si bulshada loogu adeego.

Gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo ee Puntland Cabdi Casiis Jaamac Nugaal ayaa mar uu saxaafadda la hadlay waxa uu sheegay in burburintaan ay meello badan saameyn doonto, islamarkaana shacabka looga baahan yahay in agabkooda ay kala baxaan dhulalka dowladda.

Waxa uu tilmaamay gudoomiyaha in shacabka qaarkii wada shaqeyn buuxda laga helay, islamarkaana muhiimadda howlgalkaan uu yahay mid sare loogu qaadayo bilicda magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan sheegay in guud ahaan shacabka Puntland laga doonayo inay baneeyaan guryaha danta guud ah si shacabka loogu adeeggo.

Goobjoog News