U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo Guul Ka Sheegtay Dagaalkii Ay Al-shabaab Kula Galeen Gobolka Nugaal

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal ciidankooda maanta ay gobolka Nugaal kula galeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab, kuwaa oo dhawaan halkaasi dhanka badda ka galay.

Wasiirka Warfafaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in dagaalkii maanta dhacay ay ku awood roonaadeen islamarkaana weerarka dagaalka ay iyagu lahaayeen.

Waxa uu sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab ay ka yimaadeen dhanka gobalada Koonfureed ee Soomaaliya gaar ahaan gobollada dhexe, islamarkaana ay aad uga xunyihiin in dhallinyaro Soomaaliyeed loo soo diro deegaannada Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dagaalkii ka dhacay deegaanka Suuj ee gobolka Nugaal ayuu sheegay in uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta balse ma aanu sheegin khasaarahaasi inta uu la egyahay.

Ciidamada Puntland ayuu sheegay in aanu jirin wax khasaare ah oo soo gaaray, waxaana uu qiray in dagaalka weli uu yahay mid socda.

Waxa uu tilmaamay wasiir Soocadde in deegaanka Garacad dhankiisa ay Al-shabaab keeneen ciidamo kale, balse waxa uu tilmaamay in halkaasina ay ciidamo ku hareereysan yihiin.

Puntland ayuu sheegay in ay adeegsaneyso gadiidka dagaalka iyo sidoo kale rasaas culus waa sida uu wasiirka qiraye.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Puntland ayaa u sheegay saxaafadda in 72-saac gudahooda ay kusoo afjari doonaan dagaallada gobolka Nugaal.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa ugu baaqay saraakiisha hogaamineysa dagaalyahannada Al-shabaab in ay is dhiibaan, isaga oo ballan qaaday in ciddii is dhiibta ay si nabad ah u badbaadin doonaan dibna ugu celin doonaan halkii ay ka yimaadeen.

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Puntland iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta ka billowday deegaanka Suuj ee gobalka Nugaal, iyadoo weli dagaalkaasi uu yahay mid socda.

Goobjoog News