U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo Loogu Baaqay Inay Fasaxaan Gaadiidka Ay Ku Xayireen Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Waxgaradka gobalka Mudug ayaa sheegay in ay ka xun yihiin xayiraadda gawaarida sidda shixnadaha ganacsi oo ay Puntland ku xanibtay Kontaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka Galmudug Nabadoon Yaasiin Maxamed Gaani ayaa u sheegay Goobjoog News in dadka shacabka ah ee goballada Galmudug iyo Puntland aysan nooleyn in la kala xiro maadaama ay yihiin walaalo iskuna baahan yahay shacabka meel walba oo uu joogo.

Wuxuu sheegay in arrintaan haddii ay sii socoto ay dhibaato keeni karto, islamarkaana ay ku baaqayaan in Puntland tallaabadaasi ay ka laabato, maadaama ay dadka xumaan sii kala dhex dhigayso.

“Waxaan ugu baaqeynaa Puntland inay xayiraadda ka qaaddo baabuurta Ganacsiga wada ee isaga gudubta goballada Galmudug iyo Puntland, arrintaan cawaaqib xumo ayaa ka dhalanaysa” ayuu yiri afhayeenka dhaqanka Galmudug.

Waxa uu soo jeediyay in gobalka masuuliyiinta aan u dhalin ay faraha kala baxaan masiirka gobalka, isagoo xubno ka tirsan Puntland ku eedeeyay inay ku taliyeen in dadka la kala jaro.

“Walaalaheen Puntland waxaan leeyahay dadka gobalka aan u dhalan taladooda naga dhaafa, annaga aynu tashanno war hooy nin siyaasad doonaya waxba nama taro” ayuu yiri mar kale Nabadoon Yaasiin Gaani.

Nabadoon Yaasiin Maxamed Gaani ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga taliyo maslaxada guud oo ay danta ku jirto in baabuurtaan dib loo fasaxo.

Maalintii seddexaad maanta waxaa waqooyiga Gaalkacyo ku xaniban baabuur fara badan oo sidda shixnado kala duwan kuwaasoo isaga kala gudbayay goballada dhexe,  Bari iyo goballada waqooyi.

Goobjoog News