U bood dhigaalka

Maamulka Puntland oo mamnuucay jillaabashada aargoosatada

Sheeko:Dalka

Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee maamulka Puntland ayaa sheegtay in ay mamnuuceen Jilabashada aargoosatada oo wasaaradaasi tilmaantay in gabaabsi uu ku yimid.

Agaasimaha wasaaradaasi Cabdiraxmaan Kulmiye ayaa xusay in amarkan uu wax badan ka tari doono xaalufka aargoosatada.

Amarkan kadib magaalada Garoowe waxaa ka dhacay banaanbaxyo ay dhigeen kaluumaysatada xeebaha Puntland kaas oo ay uga soo hor jeedeen amarkan.

Dhanka kale, Caaqil Mursal Xoosh oo ka mid ah odayaasha deegaanka Bandar Bayla ayaa tilmaamay in amarka ka soo baxay maamulka uu caqabad ku yahay ganacsato badan oo aargoosatada u iib geyn jiray suuqyada Puntland.

Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa dhowaan sheegay in musiibo qaran ka taagantahay xeebaha Puntland taas oo uu ku micneeyay kalluumeysiga sharci darada ah.