U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo Sheegay In Aysan Madaxweyne u Aqoonsaneen Cali Khaliif Galeyr (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Puntland okMaamulka Puntland ayaa sheegay in madaxweyne aanay u aqoonsaneen madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr taa bedalkeedana ay shaqsi ahaan u aqoonsan yihiin.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cabdullaahi Cumar Cameey ayaa sheegay in isaga uu matalo gobalada Sool iyo Sanaad, islamarkaana aanu jirin maamul Khaatumo ah oo halkaasi ka shaqeeyo.

Dhamaan deegaanada maamulka Khaatumo ayuu ku sheegay in ay yihiin kuwo iyaga ay maamulaan, dhawaanna uu safar halkaasi ku aadi doono.

“Waxaan kuu sheegayaa una sheegayaa umadda reer Puntland, waxaan ku tala galayaa in aan aado degmada Buuhoodle, maqnaanta aan maqnaa waxay ahayd fursad aan weysanaa, waxaan isku dayayaa fursadaha jira iyo caqabadaha jira awgeed hal dhagax in aan Laba shimbir ku wada dilo, waxaan halkaasi kasoo gudan doonaan shaqadaydii madaxweyne ku xigeen, xilligii Khaatumo la dhisayay khilaaf baa jiray, hadana nabad ayaa jirta Cali Khaliif madaxweyne uma aqoonsani waa shaqsi aan Cali ahaan u garanayo. Wax ka dheer malahan” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa soo hadal qaaday arinta ku aadan wada hadalka Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay hadii shirkaasi aan laga qeyb galin maamulada kale in loo arkayo in uu yahay shir beeleed.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News