U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo Soo Bandhigay Rag Ay Sheegeen Inay Kasoo Baxsadeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari kusoo bandhiggay Saddex ruux oo dhallinyaro ah islamarkaana sheegay inay ka mid ahaayeen Xarakada All-shabaab.

Raggaan ayaa magacyadooda waxay ku kala sheegeen Axmed Aadan C/laahi, Muuse Aadan Maxamed iyo C/laahi Ibraahim, kuwaasi oo saxaafadda u sheegay waxyaabaha ay qaban jireen.

Waxay tilmaameen in ay ka dagaallami jireen deegaanno katirsan Puntland, markii hore ay ka mid ahaayeen Al-shabaab, balse markii dambe ay ku biireen Daacish waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhallinyaradan ayaa ka dalbaday maamulka Puntland in cafis loo fidiyo maadaama ay iyagu si iskood ah isku soo dhiibeen.

Yuusuf Maxamed Waceys, guddoomiyaha gobolka Bari oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhallinyaradan maadaama ay is soo dhiibeen sharciga la marsiin doono, islamarkaana cid walbo oo is dhiibta cafis loo fidin doono.

Goobjoog News