U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo Xabsiga Dhigay Wariye Ka Tirsan Talefishanka Somali Channel

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa maanta xabsiga dhigay Wariye Jaamac Dabarani oo ka howlgali jiray Talefishinka Somali Chanel Xaruntiisa magaalada Garoowe.

Saldhigga magaaladaasi ayaa la sheegay in looga yeeray wariyaha, iyadoo war qadda lagu xiray la sheegay in ay kasoo baxday wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland.

Axmed Jaamac oo ah agaasimaha guud ee Talefishinkaasi oo la hadlay Goobjoog News isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa ayuu inoo sheegay in wariyaha lagu haysto wareysi dhawaan uu ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

“Wasiirka arrimaha gudaha ayuu ku wareystay barnaamij gaar ah oo uu qabto wariyaha, waxaana uu wax ka weydiiyay arrin ku aadaneyd ergadii Puntland ee ka qeybgalay shirarkii wadatashiga oo gaareysay 600 halka maamullada dhan loo ogolaa 150, taas ayaan u sababeynay xariga wariyaha, inkastoo waxyaabo kale ay jireen” ayuu yiri Agaasimaha.

Sidoo kale Axmed Jaamac ayaa sheegay in 10-kii bishaan sidoo kale ay jirtay warqad kasoo baxday wasiirka warfaafinta Puntland, taasi oo lagu amrayey in lasoo xiro wariye Jaamac, hase ahaatee ay hay’adihii amniga ku sheegeen in taasi sharci aysan u haysan.

“Waxaa kaloo jirtay wareysi laga qaaday wasiirka warfaafinta in markii barnaamijka baxay uu la xumaaday, waxa uu 10-kii bishaan soo saaray qoraal uu ku amrayo in xabsiga lagu soo dhigo wariyaheena, laakiinse nasiib wanaag waa laga diiday, balse hadda wareysigii wasiirka arrimaha gudaha iyo su’aashaasi ay diidanaayeen ayeey kusoo gambadeen, wariyaheena xarigiisa shaqsi kuma koobana ee madax badan baa ku jirta” ayuu hadalkiisa ku daray agaasimaha guud ee Talefishanka Somali Channel.

Ugu dambeyn maamulka Talefishanka Somali Channel ayaa ka codsaday maamulka Puntland inay ilaaliyaan xurriyada saxaafadda degdegna ay kusoo daayaan wariye Jaamac Dabaraani.

Dhanka kale Goobjoog News ayaa isku dayday in arrinkaan ay wax ka weydiiso wasaaradda Warfaafinta Puntland, hase ahaatee waa ay inoo suurta geli weysay.

Goobjoog News