U bood dhigaalka

Maamulka Qoryooley oo sheegay in ay gaareen deegaano hor leh (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Sawir hore: Ciidamo ka tirsan AMISOM  oo ku sugan Qoryooley
Sawir hore: Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ku sugan Qoryooley

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa gaaray deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmada Qoryooley  kadib markii la sheegay in ay ka baxeen xarakada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka degmadaasi Maamed Xaaji Cismaan oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in ciidamadu ay u dhaqaaqeen deegaano gaaraya ilaa lix tuulo oo la sheegay in ay ka baxeen xarakada Al-Shabaab.

Waxa uu dhinaca kale sheegay in wafdigii dhawaan tagay degmadaasi ay u ballan qaadeen dib u dhiska xarumaha dowladda hoose, dugsiga sare iyo isbitaalka degmadaasi oo uu sheegay in ay qalabeyn doonaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii hore ku dhawaaqday howl gal ay ugu magac dartay bad waynta Hindiya kaas oo ay sheegtay in ay dalka uga saareyso xarakada Al-shabaab.

Hoos ka dhageyso codka Maamed Xaaji Cismaan: