U bood dhigaalka

Maamulka Safaricom Oo Shaaciyey Khasaaraha Kasoo Gaarey Anteenooyinkii Ay Al-shabaab Burburiyeen

Sheeko:Dalka

Mr Collymore, agaasimaha shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab ay burburiyeen Anteenooyin ay shirkaddaasi ku lahayd deegaanno hoostaga degmada Mandhera ee gobolka NFD.

Waxa uu tilmaamay Agaasimaha in Anteenooyinka la burburiyey ay gaarayaan 6 anteeno, uuna soo gaarey khasaare aad u badan.

Mr Collymore ayaa sheegay in halkii Anteeno ee la dumiyo uu keenayo khasaare dhan 250 kun oo Doolar, isaga oo tilmaamay in sidoo kale uu kala go’ayo xiriirkii dadweynaha.

“Qiimaha taawarkii ku baxaya aad bay u badan tahay, Halkii Taawar ee la saaro qalab isgaarsiin waxaa ku baxaya lacag dhan 250,000 oo doolar oo u dhiganta 25 Million oo lacagta Kenya ah, sidoo kale waxaa lumaya wada hadalkii dadweynaha” ayuu yiri agaasime Collymore.

Agaasimaha shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa sheegay in wada shaqeyn ay la shaqeynayaan ciidamada ammaanka Kenya si dib loogu dhiso Taawaradii ay Al-shabaab burburiyeen.

Habeenimadii Isniinta ayaa dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab waxay burburiyeen Taawaro ay shirkadda isgaarasiinta Safaricom ku lahayd degmada Mandhera ee gobolka NFD.

Goobjoog News