U bood dhigaalka

Maamulka Sh. Hoose oo Sheegay iney Sugayaan Amaanka wadooyinka Gobolka

Sheeko:Dalka

Maamulka Degmada Afgooye ee Sh.Hoose ayaa sheegay in tallaabo ay ka qaadi doonaan kooxaha dhaca u gaysta rakaabka ku safra Degaanada Gobolka Sh.Hoose.

Guddoomiyaha Degmada Afgooye Cabdi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dhibaatooyin intaas badan ay gaystaan kooxo  aan cidna ka amar qaadan waxana uu hoosta ka xariiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan wax  loogu qaban doono.

Intaas waxaa uu warkiisa ku daray in Guddoomiyaha  Degmada AFgooye kulamo looga hadlayo  isbaarooyinka uu la qaatay Saraakiisha Maamulka Degmada.

Wararku waxa ay sheegayaan in dhibaato ay ka taagan tahay waddooyinka qaar ee Gobolkaasi taas oo dhibaato loogu gaysto gawaarida iyo rakaabka ku safra degaanada Gobolka Sh, Hoose.

Guddoomiyaha Degmada Afgooye Cabdi Yuusuf Axmed waxaa uu yiri “ tallaabo cad ayaan ka qaadi doonaa cid kasta oo isku dayda inay faraha la gasho wax aanu ogolayn sharciga , sidaas awgeed inagu hadda waxaan dadaal ugu jirnaa sidii aan u soo afjari lahayn kooxaha hubaysan ee dhaca u gaysta rakaabka ku safra Degaanada Gobolka Sh,Hoose.