U bood dhigaalka

Maamulka Shabellaha Hoose Oo Xal u La Dagaal Beeleedyada Kusoo Noqnoqday Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay iney xal u la yihiin dagaal beeleedyada kusoo noqnoqday deegaannada gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka ammaanka gobolkaasi Cali Nuur oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in gobolkaasi ay isugu darsameen waxyaabo badan, islamarkaana awoodda maamullada ka jira gobolkaasi oo yar awgeed ay keentay in dagaallada soo noqnoqdaan.

Waxa uu tilmaamay guddoomiye ku xigeenka in dhankooda dedaal badan ay ku bixiyeen sidii lagu damin lahaa colaadaha soo noqnoqday.

Wuxuu sheegay in waxyaabaha ugu daran ee dagaallada sii holciyey tahay nidaamka Federaalka iyo dadkii wada deganaa oo Federaalka u arkay waddo qaldan oo la isku sooco waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyn, guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in xalka gobolkaasi yahay oo  kaliya in la helo ciidan xoog badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo hanta amniga guud ee gobolka, sidoo kalena gobolkaasi laga wada saaro Al-shabaab.

Goobjoog News