U bood dhigaalka

Maamulka Sh/Dhexe oo Heshiis Dhexdhigey Beelo Ku Dagaalamay Tuulada Xawaadley

Sheeko:Dalka

ciidan dowladdaGudoomiyaha Maxkamadaasi Shiikh Axmed Xaaji Siid oo dhawaan isaga iyo wafti maamulka ka socda ay kasoo laabteen hawlo waanwaan ah ayaa sheegay in ay natiijo wanaagsan, nabadna la kala dhex dhigey beelihii halkaasi ku dagaalamay.

Gudooomiyaha waxa uu warkiisa intaas ku daray in arintan in mudo ah ay soo jiitamaysay isla markaana ugu danbayn ay ku guulaysteen, wuxuu sheegey in gogashani ay ka duwantahay kuwii hore maadaamaa dhinacyadii dagaalamay oo dhan ay si wadajir ah u qaateen nabada, diyaarna u ahaayeen waanwaanta.

Wuxuu sheegey Guddoomiyaha in waanwaantan ay tahay mid ay hawsheeda gashay dowladda federaalka ee Soomaaliya oo iyaga ay wakiil ka ahaayeen.

 

Dhageyso

Goobjoog News