U bood dhigaalka

Maamulka Somaliland oo Dib u Cusbooneysiisay Go’aanno Hore oo Isticmaalka Baasaaboorka DF Soomaaliya ah

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa gabi ahaanba maamnuucay in maamulkooda lagu galo ama looga dhoofo baasaaboorka Soomaaliya  oo ay ku qoran tahay in lagu sameeyay degaanno Somaliland ah laga bilaabo bisha January 2017.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud iyo Wasiirka Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Farxaan Aadan Haybe oo shir jaraa’id magaalada Hargeysa ku qabtay ayaa ka hadlay baasaaboorka Soomaaliya ee ay ku qoran tahay in lagu sameeyay deegaanno ka tirsan Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji ayaa yiri: “Waxaan halkaan ku soo jeedinnay cusbooneysiinta go’aanno horey loo soo saaray oo ku saabsan baasaaboorka Soomaaliya ee Somaliland lagu sameeyo ama sida ku qoran ay muujineyso in lagu sameeyay Somaliland gudaheeda”.

Go’aamadaas ayuu ku sheegay iney ka mid yihiin;

1- In gabi ahaanba la joojiyo qaadashada, isticmaalka iyo ku safarka baasaboorka Soomaaliya ee ka soo baxay ama ku qoran tahay in lagu sameeyay goob ka mid ah dhulweynaha jamhuuriyadda Somaliland, laga bilaabo January 2017.

2. Dhamaan Shirkadaha sararka iyo diyaaradaha baasaaboorkaan kor ku sheegnay kuma jari karaan tigidh.

3. Dhamaan laamaha socdaalka iyo Amniga waxa la farayaa in baasaboorkan dalka lagu soo gelin karin, lagagana bixi karin.

Dhanka kale, wasiirka duulista Farxaan Aadan Somaliland ayaa dhankiisa sheegay: “Baasaaboorka lagu sameeyo gobollada kale ee Soomaaliya waxa uu la mid yahay kuwa wadamada kale ee dunida laga soo qaato”.

“Go’aankan ayaa saameyn doonin baasaaboorradii hore loo qaatay wixii ka horreeyay January 2017, iyo kuwa kale ee lagu soo qaatay deegaannada kale ee Soomaaliya”, waana sida uu yiri wasiirka duulista Somaliland.

Bishii August ee 2016 ayay ahayd markii amarro xooggan ay ka soo saareen maamulka Somaliland isticmaalka baasaaboorka Soomaaliya oo ay ku qoran tahay lagu sameeyay deegaanno Somaliland hoos taga, iyagoo gabi ahaanba joojiyay xilligaas in garoomadooda looga dhoofo ama looga soo dago baasaaboorada noocan oo kale ah.

Goobjoog News