U bood dhigaalka

Maamulka Somaliland oo sheegay in aysan sameyn ku yeelan doonin shacabka Hargeysa hakin lagu sameeyay Kaluunka banaanka uga yimaada (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

somaliland flagMaamulka Somaliland ayaa sheegay in wax saameyn ah aysan keeni doonin hakintii dhawaan magaalada Hargeysa laga hakiyay ku iibinta Kaluunka laga keeno meelo kale oo dalka ka mid ah.

Wasiirka Kalumeysiga iyo Kheyraadka Somaliland Dr Cali Jaamac ayaa sheegay in ay arkeen qiimo dhac ku yimid Kluunka ka dib markii meelo ka baxsan xeebaha maamulka Somaliland laga keenay Kaluun, sidaa darteed ay amar kusoo saareen in kaluun aan laga soo iibin karin meelo ka baxsan deegaanada maamulkooda ka arimiyo.

“Kaluunka ay keenaan Kaluumaysatada Somaliland ayaa ilaa amar dambe suuqyada Somaliland, kaluunkii dhulkayaga oo aad u badan, suuqna loo la yahay in kaluun kale dibadda laga keeno aad bay noogu adkaatay, dhaqaale la’aan ayaa ka timid, waxaynu amar ku bixinay in aan meel banaanka ah laga keeni karin, ganacsatada waxaan u sheegnay in halkaan ay ka iibsadaan kaluunka”

Dhanka kale waxa uu sheegay wasiirka in tababaro xoogan ay siiyaan Kaluumaysatada Somaliland, sidoo kalena ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in dibadaha ay u iibgeeyaan Kaluunka kasoo baxa Xeebaha maamulka Somaliland.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News