U bood dhigaalka

Maamulka Sool oo Digniin u Jeediyay Axsaabta Siyaasadda Somaliland

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Sool ayaa  axsaabta Somaliland uga digay inay muujiyaan astaamahooda u gaarka ah ee lagu garto , halku dhegyadooda iyo sawirada musharxiintooda inta lagu gudo jiro diiwaangelinta gobolka Sool oo soconaysa 21 maalmood.

Guddoomiyaha gobolka Sool Mustafe Cabdi Shiine oo ka hadlay madashii lagu furaayey diiwaangelinta codbixyayaasha doorashada Sool maalinimadii shalay ayaa sheegay inaan anshaxa guddiga doorashooyinku u dejiyey diiwaangelinta uu dhigaayo in xisbigii goob ama dadweyne isku daya inuu astaamihiisa dhex geeyo ay ciidamada ammaanku ka hor tagayaan waxaanu yiri,“Xeerka loo dhigay diiwaangelinta ayaa sheegaya qaabka ay xisbiyadu uga qaybgeli karaan arrinta diiwaangelinta, waana inay goobjoogayaal un ka ahaadaan “.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in gobolka Sool uu yahay meel xasaasi ah marka loo eego deegaanada kale; madaama uu ku yaallo dhul in badan dagaallo iyo iska hor imaadyo ku soo noq-noqdeen sidaasi darteed haddii arrinta xisbiyadu ol’ole u ekaato inay kicin dadweyne abuuri karto .

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maalin ka hor markii masuuliyiin uu guddoomiyaha xisbigu hogaaminay ay gaareen Laascaanood ay ciidamo ka tirsan kuwa magaaladu  ku hor istaageen afeefka hore ee magaalada, in kasta oo markii dambe loo ogolaaday inuu magaalada gudaha u galo ayaa  hadana guddoomiyaha Sool  waxa uu ku  eedeeyey inay jebiyeen xeerkii sharaxaayey habka ay Axsaabtu uga qeybgalayaan howsha diiwaangelinta.

Goobjoog News