U bood dhigaalka

Maamulka Xeraale Oo Eedeeyay Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud Bashiir Daahir Dhagabadan ayaa mamulka Ahlu-sunna ku eedeeyay inay soo weerareen degaankaasi.

Guddoomiyaha Xeraale oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in qoysaskii ugu dambeeyay ee degaanka ay isaga baxeen  markii ay ka cabsadeen inuu saameyn ku yeesho dagaal laga cabsi qabo in Xeraale uu ka dhaco, sida uu guddoomiyaha sheegay.

Bashiir sidoo kale sheegay in Xeraale oo amni ahayd uu maamulka Ahlu-sunna soo dhoobay ciidamo iyagana ay ciidamo kale ka hor geeyeen.

Waxaa uu sheegay in xaaladda degaanka ay  tahay mid xilli walbo dagaal la filan karo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Magaalada weerar ayaa lagu soo qaaday, shacabkii deganaa oo dhan waa ay barakaceen, dadku waxay ka baqayaan in la dagaallamo, ururka haysta Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa ina soo weeraray, hadda dagaal ma dhicin, annagane waan diyaarsannahay, cid is dhiibeyso ma jirrto waan la dagaallami doonaa, waxaan sugeynana waa kaliya dagaal oo aan difaacanno deegaannada aan degannahay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Maalin kahor ciidamo ka tirsan Ahlu-sunna ayaa buux dhaafiyey deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa in ciidan ay halkaasi geeyaan.

Goobjoog News