U bood dhigaalka

Maamulka Ximan iyo Xeeb “Diyaar Ayaan u Nahay Marti Galinta Shirka Gobolada Dhexe iyo Imaanshaha AMISOM”

Sheeko:Dalka

ximanMadaxweyne ku xigeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdi Maxamed Suldaan ayaa Goobjoog u sheegey in ay diyaar u yihiin marti galinta shirka maamul u sameynta gobolada dhexe iyo sidoo kale imaanshaha ciidamada AMISOM ee Cadaado.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa beeniyey warar sheegayay in maamulka uu codsaday in laga idin galiyo tagitaanka ciidamada AMISOM ee Cadaado, wuxuuna sheegey in maamulka uu si buuxda u waafaqsanyahay kaalinta AMISOM ay ka qaadan karto sugista amniga.

Waxa uu sheegey in Cadaado uu ku suganyahay Cabdi Cawaale Qeybdiid oo ka mid musharixiinta, islamarkaasina gogoshii fidsantahay.

Dhawaan ayaa la dhamaystirey hawlaha gudiga farsamada waxaana loo balansanyahay in shirka uu ka furmo magaalada Cadaado.

Dhageyso

 

Goobjoog News