U bood dhigaalka

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo beeniyay in calanka Al-shabaab laga taagay Cadaado

Sheeko:Dalka

Maamulka Ximan Iyo Xeeb ayaa beeniyay warar sheegaya in magaalada Cadaado laga taagay calanka xarakada Al-Shabaa xilli magaaladaasi lagu wado in lagu qabto shirka maamul u samaynta gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxwayne ku xigeenka maamulkaasi Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhalinyaro halkaasi ku sugan calanka madow ay ka taageen magaaladaassi kuwaas oo uu sheegay in xabsiga ay dhigeen.

Madaxwayne ku xigeenka waxa uu sheegay in magaalada ay ku soo qul qulayaan wafuud doonaysa in ay ka qayb galaan shirka lagu midaynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Maamulka Ximan Iyo Xeeb ayaa goor dambe ogolaaday in uu qeyb ka noqday heshiiska lagu doonayo in maamul goboleed loogu sameeyo Mudug iyo Galgaduud.

Hoos ka dhageyso codka Cabdi Maxamed: