U bood dhigaalka

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo codsaday in lagala shaqeeyo xaqiijinta amniga

Sheeko:Dalka

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa maamulada kale ee gobolka Galgaduud ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Ximan iyo Xeeb Xasan Cabdullaahi Maxamed oo ka hadlay dadaalada nabadda ee ay ka wadaan degmada Cadaado ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen amniga deegaanada maamulku uu ka shaqeeyo.

Waxa uu intaasi raaciyay in ay ka diyaar garoobeen dhinacyo kala duwan oo uu ugu horeeyo ammaanka degmada Cadaado oo ah halka uu ka dhici doono shirka lagu mideynayo gobollada Galgaduud iyo Mudug iyada oo dhawaan wufuud caalami ah lagu wado in ay tagaan degmada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

Maamulka Puntland ayaa ka hor yimid maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameyneyso Mudug iyo Galgaduud iyaga oo ku andacoonaya in qeyb ka mid ah gobolka Mudug ay iyagu maamulaan.

Gobolka Galgaduud waxaa ka arimiya ururka Ahlu sunnah Waljamaaca iyo maamulka Ximan iyo Xeeb.