U bood dhigaalka

Maamulka Ximan Iyo Xeeb Oo Digniin Diray

Sheeko:Dalka

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa digniin u jeediyay shaqsiyaadka hubka lasoo gala degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud, halkaasi oo uu ka soconayo shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Afhayeenka maamulkaasi Careys Maxamed Xaaji oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Maamulku uu Awaamiir ka soo saaray hubka lala soo galayo Magaalada cadaado, islamarkaana ay arimahaasi kala hadleen mas’uuliyiinta ku sugan degmadaasi.

Cid walba oo hubeysan kana mid ahayn ciidamada amniga sugaya ayuu sheegay in loo aqoonsan doono dad qas wade ah, islamarkaana laga hortagi doono.

“Maadaama uu shir muhiim ah ka socodo magaalada Cadaado, ayaa waxaan usoo jeedinay madaxdii iyo waxgaradkii kale ee imaanayay islamarkaana wata ilaalada in ay ciidankooda xakameeyaan oo ay ku ekaadaan goobaha ay degan yihiin, waxaan uga dignay cid walba oo aan ka mid ahayn ciidamada amniga oo hub ku dhex wata magaalada laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan” ayuu yiri Afhayeenka.

Degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxaa ku sugan siyaasiyiin iyo waxgarad badan, waxaana halkaasi ku sugan ciidamo ilaalo gaar ah u ah xubnaha halkaasi jooga qaarkood, taasi oo keentay in magaalada ciidan badan lagu arko.

Goobjoog News