U bood dhigaalka

Maamulka Ximan iyo Xeeb Oo Ergo Nabadeed u Diraya Degmooyinka Guriceel Iyo Dhuusamareeb Oo Dhawaan Lagu Dagaalamay

Sheeko:Dalka

Ximan-Iyo-XeebMaamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in dhawaan Ergo ka shaqeysa nabadda ay u dirayaan degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobalka Gal-gaduud, halkaasi oo dhawaan dagaalo ay ka dhaceen.

Maxamed Xaaji Xuseen oo ah wasiirka arimaha gudaha ee maamulkaasi ayaa isaga oo u waramay Goobjoog Fm, waxa uu sheegay in kaalin ay ka qaadan doonaan nabadda Gal-gaduud, gaar ahaan deegaanadii dhawaan ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Ahlu-sunna Waljameeca.

Waxa uu sheegay Maxamed Xaaji in ay ugu baaqayaan Labada dhinac ee dagaalantay in nabadda kaalin ay ka qaataan, dibna u eegaan shacabka degan degmooyinkaasi oo xilligaan aanu u baahneen dagaalo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Anaga waxaan diyaar u nahay in nabad aan dhigno, waxaan kaloo rabnaa in halkaasi aan u dirno ka maamul ahaan ergo nabadda ka shaqeysa, laakiinse waa in Labada dhinac aynu ka helnaa aqbalaad, cid walba oo gardaranna runta ayaa loo sheegayaa, xilligaan dagaal sokeeye looma baahna” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arimaha gudaha ee maamulka Ximan iyo Xeeb.

Dhawaan dagaalo ayaa ka dhacay degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo ka tirsan gobalka Gal-gaduud, iyadoo halkaasi ay ka dhalatay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Halkaan Hoose ka dhageyso wareysiga.

Goobjoog News