U bood dhigaalka

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo soo dhaweeyay go’aan ay gaareyn maamulka Ahlu-sunna ee gobalada Dhexe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Ximan iy Xeeb ayaa soo dhaweeyay go’aan shalay kasoo baxay maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalad dhexe, kaa oo ku aadan ka qeyb galka shirka dhawaan Cadaado ka furmi doona.

Cabdi Maxamed Axmed oo ah Madaxweyne ku xigeenka maamukaasi oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in ay aad usoo dhaweynayaa aragtida cusub ee Ahlu-sunna qaadatay.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ahlu-sunna horayba looga sugaayay go’aankaan islamarkaana uu yahay mid sii dhiira gelinaaya Soomaalida wada dhalatay ee maamulkaan dhisanaaya.

 

Dhanka kale waxa uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in lasoo dhisi doono maamul mideeya gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, islamarkaana ay u dhanyihiin dhamaan shacabka gobaladaasi wada dega.

 

Ugu dambeyn waxa uu Cabdi Maxamed hadalkiisa kusoo gunaanuday in rajo weyn laga qabo in uu dhismo maamulkaan, shirka Cadaada ka dhici doonana uu u qabsoomo sidii loogu tala galay.

 

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga uu siiyay Goobjoog Fm

Goobjoog News