U bood dhigaalka

Maamulka Xudur Oo Sheegay In Ay Ku Guuleysteen Furista Wadooyin Xirnaa (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

XudurMaamulka degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka wadaan deegaano badan oo hoostaga degmadaasi.

Maxamed Macalin oo ah gudoomiyaha degmadaasi oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in degmada amaan ahaan ay wanaagsansan tahay islamarkaana ciidanka ay yihiin kuwo wada howlgalo.

Gudoomiyaha ayaa intaasi hadalkiisa ku daray in ay ku guuleysteen furista wadooyin badan oo soo galayay degmadaasi, ayna la dagaalameen rag ka mid ah Al-shabaab oo jidadka xirtay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Mar uu soo hadal qaaday xaaladda deegaanada gobalka Bakool, gaar ahaan meelaha ay dowladda maamusho ayuu sheegay in shacabka ay u baahan yihiin gar gaar bini’aadanimo oo deg deg ah.

Wadooyinka qaar ee gobalka Bakool, amaan ahaan ma ahan mid la’isku haleyn karo, waxaana mararka qaar ka dhaca falal dadka shacabka ah lagu dhibaateeyo.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

 

Goobjoog News