U bood dhigaalka

Maamulkii Isku Magacaabay West-land Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiraya Hirshabelle

Sheeko:Amniga

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada B/weyne, gaarahaan xaafadda howlwadaag ee magaaladaasi ay ka dhacdo munaasabad ballaaran oo maamulka West-land ugu biirayo maamulka Hirshabelle.

Wararka aan heleyno waxay sheegayaan in munaasabaddan si gaar ah maanta loogu soo wareeejin doono ciidamadii uu haystay maamulkaasi, laguna dari doono ciidanka xoogga dalka.

Muddooyinkaan dambe waxaa socdey dedaal badan oo lagu doonayey in maamulka West-land uu ku biiro Hirshabelle.

West-land ayaa haysta ciidamo gaaraya 500, kuwaasi oo markii hore aan jirin cid ay si gaar ah uga tirsanaayeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News