U bood dhigaalka

Maamullada Oo Casuumay Keating (Sabab)?

Sheeko:Dalka

Sida ay sheegayaan warar horudhac ah oo Goobjoog News ay ka heleyso magaalada Kismaayo, madaxda dowlad goboleeyada shanta ah ayaa shirkooda gollaha iskaashiga ku casuumay ergeyga gaarka Qaramada Madoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Danjire Keating oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa caawa ku hoyanaya magaaladaasi.

Xogta socdaalka Danjire Micheal Keating oo ay heshay Goobjoog News ayaa intaas ku daraysa in berri shirka furmaya ee dowlad goboleedyada uu hadal jeedin ku leeyahay Danjiruhu.

Muddo xileedka Keating oo gebagegba ah ayaa lagu soo warramayaa in dhinacyadu ay isdhaafsan doonaan wax ku saabsan marxaladaha siyaasadeed ee dalka.

Shirkani oo noqonaya kii seddexaad oo gollahani uu yeesho tan markii bishii October ee sanadkii tegay 2017 lagu aas aasay magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu lafa guri doonaan qodobo dhowr ah.

Arrimaha ugu xasaasisan sida Goobjoog News ogaatay oo shirka lagaga hadlayo waxaa weeye wixii ka qabsoomay heshiisyadii hore ee dowladda dhexe iyo dowladaha shanta ah ee xubnaha ka ah waa maamulladee iyo sidoo kale xiriirka wada shaqeyn ee labada dhinac.

In dhowaana ahba waxaa xumaa xiriirka ka dhaxeeya xukuumadda federaalka iyo qaar kamid ah maamullada dalka sida kan Jubbaland.

Siyaasiyiinta qaar ayaa qaba aragti ah in shirkani ay ka soo bixi karayaan qodobo aad u culus oo ka dhan ah dowladda federaalka halka ay jiraan kuwa qaba in shirku uusan waxba ka duwanayn kuwii hore ugu qabsoomay Kismaayo iyo Baydhabo gollahani iskaashiga.

Goobjoog News