U bood dhigaalka

Maamullada Puntland Iyo Galmudug Oo Isku Eedeeyay Billaabista Dagaalkii Shalay

Sheeko:Dalka

Shalay ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Galmudug, ka dib heshiis Labada dhinac ay ku gaareen garoonka C/laahi Yuusuf ee Magaaladaasi.

Labada maamul ayaa midba midka kale ku eedeeyay billaabashada dagaalladaasi inuu sabab u ahaa.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug  Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Puntland ay dagaalka kusoo qaadday ciidamada Galmudug oo ku sugan fariisimahii lagu ogaa ee Gaalkacyo.

Waxa uu tilmaamay in ciidankooda ay ku qasbanaadeen inay iska difaacaan weerarkaasi, islamarkaana wax walba oo dagaalkii shalay ka dhashay wax laga weydiinayo Puntland.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta Puntland Mr Soo cadde oo isna la hadlay warbahinta ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo, gaar ahaan midkii shalay uu ahaa mid dhankooda lagu soo qaaday.

Waxa uu tilmaamay inay ka war heleen ciidan dhankooda kusoo jiheystay misane rasaas furaya, sidaasi darteedna ay iyaguna u billaabeen inay iska difaacaan.

Si walba oo dagaalkii shalay uu ku billawday xaaladda guud ee Gaalkacyo saaka waa mid deggan, waana mid dadku ku haminayaan inay nabadi ka dambeyso.

Goobjoog News