U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Laga Soo Sheegayo Gobolka Sanaag

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa waxay ku waramayaan in halkaasi ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka kala wadaan maamullada Somaliland iyo Puntland, iyadoo ay cirka isku sii shareertay xiisaddii dhinayacdaasi ka dhaxeysay.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamo badan oo Labada dhinac ah ay gaareen deegaannada la isku hor fadhiyo, waxaana cabsida ugu daran ay tahay in dagaal uu halkaasi ka billowdo.

Maamulka gobolka Sanaag ee Puntland mas’uuliyiin u hadashay waxay sheegayaan in dagaalka aysan joojin doonin inta ciidamada Somaliland isaga baxayaan gobolkaasi.

Saraakiil u hadashay Somaliland ayaa iyaguna waxay dhinacooda sheegeen in gobolka Sanaag uu ka mid yahay gobollada ay maamulaan, islamarkaana aysan cidna uga hibeysan doonin sii joogistooda gobolkaasi.

Shacabka ku dhaqan deegaannada gobolka Sanaag ee Labada dhinac isku hor fadhiyaan waxay billaabeen in halkaasi ay isaga barakacaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News