U bood dhigaalka

Maareeye Cusub Oo Loo Magacaabay Garoonka Diyaaradaha Ee B/weyne

Sheeko:Dalka

Wasaaradda gaadiidka ee Hirshabelle ayaa maareeye cusub waxay u magacawday garoonka diyaaradaha ee magaalada B/weyne, waxaana xilkii laga qaaday guddoomiyahii hore.

Wareegto uu soo saaray ku simaha wasiirka wasaaraddan, ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda ayaa waxaa xilkan loogu magacaabay Yuusuf Axmed Diiriye.

Maareeyaha cusub ayaa waxaa horyaalla shaqo badan, iyadoo la ogyahay in xilli roobaadka uu xirmo garoonkaasi.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada:

Goobjoog News