U bood dhigaalka

Maasuul Ka Tirsanaa Maamulka Deyniile oo Ay Xaaskiisa Ku Dishay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha waaxda Halgan degmada Deyniile ee gobalka Banaadir Cabdulqaadir Fool Dibi ayaa ku geeriyooday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho ka dib markii xaaskiisa ay tooreey ku dhishay sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Falkan oo ka dhacay xaafadda Raadeelka ee degmada Deyniile ayaa dhacay saakay arroortii waxaana uu yimid ka dib markii sida la sheegay haweeneyda falka geysatay ay ka maseyrtay seygeeda sidaasina ay nolasha ku dhaafisay guddoomiyihii waaxda Halkan.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay socdaan baaritaanno kala duwan oo lagu sameynayo haweyneydan  oo la sheegay inay baxsatay waxaana sidoo kale haatan meydka marxuumka oo markii hore dhaawac ahaan isbitaal loo geeyay lagu wadaa in la aaso..

Inta badan dhacdooyinka nuucaan oo kale ah ayaa waxaa ku kaca dumarka oo iyaga oo maseyrsan falal dil ah u geysta nimankooda waxa ayna u adeegsadaan waxyaabo ay ka midyihiin tooreey iyo inay biyo ama saliid u karkariyaan arrinkan ayaana ah mid ka fog ku dhaqanka diinta Islaamka

Goobjoog News