U bood dhigaalka

Macalimu: Xukuumadda Kheyre Waxaa ay Weriyeyaashii Ka Dhigtay Mid Loo Hanjabo Iyo Mid La Laaluusho

Sheeko:Dalka

Xogheyaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimu oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in uu jiro saxafi muddo todobaad ah u xiran dowladda oo aan maxkamad la soo taagin, isaga oo dhanka kale ku eedeeyey xukuumadda federaalka ah inay saxaafadda ku heyso cabburin, qaarna ay laaluush siiyo.

Saxafiga Nuur Ismaaciil Sheekh ayuu sheegay inay ciidamada dowladda xireen 20-kii November, taas oo ay aheyd in sabtidii la keeno maxkamadda laakin aan dhicin, isaga oo intaasi raaciyey in waalidkiisa xataa loo diiday inay arkaan.

Maxamed Ibraahim Macalimu oo arrintaas ka hadlayo wuxuu yiri“Arrintaas waxaa moodaa inay tahay arrin walaac weyn ku heysa saxafiyiinta Soomaaliyeed, isla markaana caburin ku ah dadka saxaafadda iyo weriyeyaasha wax u qora”.

Dhinaca kale, wuxuu eedeeyey hab-dhaqanka xukuumadda ra’isul wasaare Kheyre ee dhanka saxaafadda “ Hab-dhaqanka xukuumadda hadda jirta ee uu ra’isul wasaaraha ka yahay ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaan dhihi karnaa waa xukuumaddii ugu qalafsaneyd  ee soo marta saxaafadda Soomaaliyeed, waxaa ay ula dhaqmaan hab adag, ma daba-galaan kuwa weriyeyaasha dhibaateeya, waxaad ogtihiin October 15, ee bishii la soo dhaafay weriye Cabadalla Muumin oo xafiiska ra’isul wasaaraha dad ka tirsan u hanjabeen ilaa hadda wax baaris ah laguma sameyn, waxaad ogtihiin in weriyey lagu dilay beerta nabadda Xamar-jabab oo nimman askar ah ay toogteen, ilaa hadda meel dabagal loogu sameeyey ma jirto, xukuumadda wax dabagal ah ama wax war ah oo ay ka keentay ma laha, sidee suuro-gal ku tahay in nin booliis ah oo shaqo ku jira la yiraahdo lama garanaayo, waa arrin ku talo-gal ah, isla markaana raalli- laga yahay”.

Maxamed Ibraahim Macalimu, wuxuu uu xukuumadda federaalka ah ku eedeeyey inay hanjabaad iyo laaluush isticmaasho “xukuumadda hadda jirta waxaa ay u go’doontay inay weriyeyaasha kala qeybiso, inay ururadii suxufiyiinta soo dhex galaan oo la kala qeybiyo, waxaa ay sameysay 2 arrin oo waaweyn oo aan horay u dhicin (1) inay caburin ku sameeyaan weriyeyaasha Soomaaliyeed (2) Qaar la laaluushay oo inta mushaar bille ah loo qoray ha ahaado saxafi ama saxaafad, isla markaana loo diiday inay runta sheegaan. Waa arrin kale oo walaac muujineysa oo ay gaar u tahay xukuumadda hadda jirta”.

Ugu dambeyntii, Xogheyaha guud ee ururka saxafiyiinta NUSOJ waxaa uu leeyahay arrintan waa mid xasaasi ah, waayo haddii weriye la waayo, oo la waayo qof ka hadlo musuqa, oo weriyeyaasha noqdaan qaar la laaluusho, qaarna loo hanjabo, waxaa ay keeneysaa inay khatar gasho dowladnimada Soomaaliya.

Goobjoog News