U bood dhigaalka

Caabud-waaq: Gacan Ku Dhiigle Macallin Dilay Oo La Qabtay

Sheeko:Dalka

Magaalada Caabud-waaq waxaa maanta ka dhacay dibad baxyo lagu soo qabtay nin gacan ku dhiigle ahaa oo khamiitii halkaas ku dilay macalin Iskuul, sababta waxaa lagu sheegay aano qabiil.

Khadar Maxamud Axmed oo ahaa Macalin ka yimid Borama ayaa lagu dilay Caabud-waaq ee gobolka Galgaguud, macalinka waxaa uu iskuul halkaas ku yaallo ka dhigi jiray Geography iyo Taariikh

Ardeyda iyo dadka deegaanka ayaa dibad bax ka dhigay magaalada, waxaana la sheegayaa in gacan ku dhiiglaha gacanta lagu dhigay.

Maxamed Galeyr oo Goobjoog News u waramay ayaa ku tilmaamay falkaas mid foolxumo ah, laakin lagu guuleystay in ninkii dambiilaha ahaa la qabto.