U bood dhigaalka

Macallin Cabdullahi Buurane “Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Horomar La’aan Ayaa Ka Jirta “

Sheeko:Cayaaraha

Cabdullahi Maxamed Buurane oo ka mid ah macalliniinta kubbadda cagta,sidoo kalane ah qabiir xaga ciyaaraha ayaa warayso dhinacyo badan siiyay Goobjoog Sports,isagoo ka waramay horomarka iyo gaabisyada ka jira isboortiga Dalka.

“Soomaaliya waxa ay lee dahay xirfado sare oo xaga ciyaaraha,balse maamulada isboortiga ma geliyaan waqti iyo qarash, si loo horomariyo tayada ciyaaryahanada kala duwan ee Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Macallin Buurane.

2016 dhallinyaro da’yar ayaa dalka Qadar kaga qeyb galay tartan caalami ah,iyagoo soo bandhigay ciyaaro sare oo soo jiitay taageerayaasha kubbadda cagta,balse guushaas ka dib Dowladda iyo Xiriirada ka dhisan dalka way la illobaan tayadii la arkay.

“Mudo hada laga joogo shano sano ah waxaan aragnay ciyaaryahano da’yar oo wacdaro ku soo bandhigay Magaalada Doxa,balse guushaas taariikhiga ka dib lagama faa’idayaan macallimiintii iyo dhallinyaradii hamiga sare lahaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Macallin Cabdullahi Buurane.

Inta badan Xiriirada kala duwan ee ka dhisan dalka kama faa’iideestaan aqoonta iyo waaya-aragnimada ciyaartooydii hore oo badankooda iminka ah macallimiina iyo qabiiro xaga isboortiga.

“Macallimiin badan oo xirfad wanaagsan oo kala jooga gudaha dalka iyo dibadda ayaa la heli karaa,balse nasiib darro dadka maamulaya ciyaaraha kama faa’iideestaan,iyagoo ka doorbaday kuwa ajaanib ah oo aan aqoon iyo qibrada u la heyn isboortiga Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qabiir Burane.

Madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa lagu dhaliilaa in aysan soo dhawaysan dadka aqnoonta wanaagsan iyo laacibiinta hore Soomaaliya

“Xiriirka kubbadda cagta waa albaab u furan shaqsi kasta oo Soomaali ah,balse hada waxaa u malaysaa in ay haystaan qolyo isku soo koobay wax walbo oo aan doonaynin in ay la tashadaan dadkii iyaga kaga horeeyay ka shaqeynta ciyaaraha meel sare ka gaaray” ayuu Goobjoog markale u sheegay Macallin Buurane.

Muqdisho waxaa ka jirta garoomo la’aan waxaana inta badan dhallinyarada ay ku ciyaaraan wadooyinka halista magaalada,balse Xiriirka Kubbadda Cagta iyo Wasaaarada Ciyaaraha wax qorshe uma diyaarin da’yarta ku dheela Wadooyinka halista ee caasimada.

“Waxaa ii muuqata in kubbadda cagta aan lala rabin horomar,sababtoo ah narkii aad aragto inta da’yar ay ku dhalayso wadooyinka waxaa kuu soo baxayso in mas’uuliyeenta Wasaarada iyo Xiriirka aysan wax qorshe u ah diyaarin jiilka soo koray” ayuu sheegay qabiir Macallin Cabduulahi Buurane

Xiriirada ka dhisan Soomaaliya waxa ay qabtaan tartamo kala duwan hadana ciyaaraha waxaa lagu daawadaa lacaga la’aan,waxayna taasi keentay in ay su’aalo badan is waydiiyeen bahda isboortiga.

“Waa wax lala yaabo in Madaxda Xiriirada ay ku socdaan gawaari qurux badan,ciyaartooydii ciyaaraysana taageerayashooda ay ku daawadaan lacag la’aan” ayuu Goobjoog Sports Macalin Buurane.

Ugu dambeyntii Macallin Buurane waxa uu mas’uuliyeenta hogaaminaysa ciyaaraha iyo bahda isboortiga ugu baaqay in laga wada shaqeeyo horomarka iyo dhiiri-gelinta dhallinyarada Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan.

Halkan Ka Daawo Waraysi Macallin Buurane Oo Dhameystiran

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle