U bood dhigaalka

Macallin Iskuul Oo Lagu Dilay Degmada Dharkeenley Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan aya ahabeenkii xalay ahaa waxa ay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ku dileen qof la sheegay inuu ahaa Macallin Iskuul, xilli uu ku dhawaa hoygiisa ku yaalla xaafadda Macmacaanka ee degmadaasi.

Ragga wax dilay ayaa la sheegay inay ku hubeysnaayeen Bistoolado, hase ahaatee dilka ka dib ay goobta ka baxsadeen.

Qof goobjooge ah ayaa u sheegay Goobjoog News, in macallinka la dilay lagu naaneesi jiray Caano Geel, kaasi oo aad looga yaqaanay xaafadda Macmacaanka ee degmada Dharkeenley.

Dilka ka dib waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka ee degmada, inkastoo aanay jirin howlgal ay sameeyeen, ama dad ay dilkaasi usoo qabteen.

Dhawaan ayaa degmada Dharkeenley waxaa sidaan oo kale loogu dilay madaxii dambi baarista saldhiga Galbeed ee degmada Dharkeenley, kaasi oo Ciise lagu magacaabayay.

Goobjoog News