U bood dhigaalka

Macallin Soomaaliyeed oo markii ugu horeysay casharro ka bixinaya Tababarka Garsooreyaasha FIFA

Sheeko:Cayaaraha

Somalia’s First international referee instructor Ali Mohamed AhmedWaa talaabo weyn oo taariikhi ah in markii ugu horeysay mid ka mida macalimiinta garsooreyaasha kubada Cagta Soomaaliya Cali Maxamed Axmed (Cali Saciid) uu macalin ka noqon doono tababar heer caalami ah oo dalka Cameroon loogu qaban doono garsooreyaasha Africa oo sanadka ka mid noqday garsooreyaasha kubada cagta aduunka ee FIFA.
Tababarkan ayaa waxaa ka qeyb geli doona 30 ka mida garsooreyaasha FIFA eekasoo jeeda qaarada Afrika kuwaas oo 9 ka mida ay haween yihiin, waxaana uuka dhici doonaa Magaalada Yaounde ee caasimada dalka Cameroon inta u dhexeysa 3-9-ka bisha August ee inasoo aadan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ururka kubada cagta Afrika ee CAF.
Qoraalka CAf ayaa lagu sheegay in macalimiinta tababarka bixin doona aykala yihiin: 1 Cali Maxamed Axmed (Soomaaliya) iyo 2 Alexander Cotey(Ghana). Ururka CAf ayaa dhawaan dallacsiiyay Mr Cali kaddib markii labadiisano ee lasoo dhaafay uu tababaradii loo qabtay macalimiinta Afrika kagalay kaalinta 1-aad.
Waxaa ay tani noqoneysaa markii ugu horesay taariikhda kubada cagtaSoomaaliya oo macalin Soomaaliyeed uu helo darajadan oo kale, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Soomaaliya Cabdi Qani Saciid Carab maanta“Maalin weyn ayay u tahay umada Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaanabahweynta kubada cagta in macalinkeena Cali Maxamed Axmed loosoo magacaabay in tababarkan caalamiga ah uu casharro ka bixiyo, sababtoo ah taariikhda wali ma dhicin in macalin soomaaliyeed uu darajadaas ka gaaro kubada cagta aduunka”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha guud Cabdi QaniSaciid Carab.
Mr. Carab ayaa sheegay in sanadaha soo socdana ay Soomaaliya rajeyneyso in macalimiin kale oo Soomaaliyeed ay dalacsiin ka helaan ururrada CAF iyo FIFA, iyadoo xiriirka Soomaaliyeed uu sanadihii u dambeeyay xooga saarayaydhanka horumarinta tacliinta is are loogu qaado aqoonta  iyo tayada garsoorka  iyo macalimiinta.
“Magacaabista Cali Maxamed Axmed waa natiijadii ka dhalatay howshii aan soo wadnay sanadihii lasoo dhaafay ee ku aadanayd sare u qaadista aqoonta”ayuu hadalkiisa sii raaciyay xoghaye Cabdi Qani Saciid Carab oo si weyn ugu mahad celiyay ururada FIFA iyo CAf doorka aan dhamaadka lahayn oo ay ka qaadanayaan horumarinta kubada cagta dalka.

Waaxda warbaahinta ee xiriirka kubadda cagta soomaaliyeed

Wararka ciyaaraha Goobjoog news