U bood dhigaalka

Macallinka Cusub Ee Xulka Qaranka Da’yarta Oo Booqday Xerada Tababarka Dhallinyarada

Sheeko:Cayaaraha

Madaxda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa booqasho iyo kormeer u tagay Xulka Qaranka dhallinyarada oo sanadkan 2020 ka qeyb galay tartamo kala duwan,waxaana sidoo kale kulan laacibiinta da’yarta iyo macallimiintooda lagu barayay tababarahooda cusub oo dhawaan ka yimid Wadanka Mareykanka,isagoo badalay Iganiatias Kuwame oo da’yarta maamulay sanadkii tagay 2019.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdullahi Xirse Maxamed ayaa u mahad celiyay madaxda kala duwan ee Xiriirka sida marwalib ay ugu warqabaan shaqooyinka ay hayaan Xulka Da’yarta wuxuuna dhinaca kale sheegay in dhawaan ay warbaahinta u soo bandhigidoonaan tababare Cabdixamiid Macallin Maxamed oo noqonaya lalyiyaha Xulka Da’yarta 2020.

Guddoomiyaha guddiga farsamada Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdisamad Sheeikh Qaasim ayaa Xulka dhallinyarada kula dardaarmay in ay hormariyaan aqlaaqdooda,taas oo lagu amaanay Xulka Da’yarta Soomaaliya oo sanadkii lasoo dhaafay 2019 ka qeyb galay tartanka Bariga iyo Bartamaha Africa ee ku qabsoomay magaalada Asmara ee Wadanka Eritrea.

Xoghayaha guud ee Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya DR.Yuusuf Muxidiin Axmed ayaa sheegay in Xiiriirka uu ku da’daalayo kor u qaadida aqoonta iyo horomarinta Xulka Da’yarta Soomaaliya oo rajo wanaagsan horomarka iyo guulaha kubbadda cagta dalka.

Qaar ka mid aha ciyaaryahanada Xulka Da’yarta ayaa iyagana la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sanadkan qorshooda uu yahay in ay Muqdisho keenaanaan  koobabka ay ka qeyb galayaan,maadama sanadkii lasoo dhaafay ay qibrado wanaagsan kusoo qaateen Tartanka Bariga iyo Bartamaha Africa.

Xulka Da’yarta Soomaaliya ayaa sanadkii lasoo dhaafay 2019 magaalada Asmara ee dalka Eritrea ugu qey galaya ciyaaraha 15 Jirada Bariga iyo Baratamaha waxaana Xulka ay ku soo guulaysteen Xulka ugu wanaagsanaa ee ka qeyb galay,iyadoo X.K.Cagta lagu amaanay dhallinyaradii ay diyaariyeen.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Diyaar Garowka Iyo Booqashada Xulka Da’yarta

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/787750471744208/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle