U bood dhigaalka

Macallinkii Hore Qaranka Ghana Bashir Hayford Oo Loo Magacaabay Xulka Soomaaliya.

Sheeko:Cayaaraha

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa shaaciyay in xulka qaranka Soomaaliya ay u magacaabeyn Bashir Hayford oo u dhashay dalka Ghana wuxuuna xilka ka badalay Macalin Maxamed Cabdulle Farayare oo ahaa hogaamiyihii hore xidigaha xulka.

Macalin Bashir Hayford oo si weyn loogu yaqaano dalka Ghana ayaa sheegay in oo aad ugu farax sanahay xulashada iyo hogaaminta xulka qaranka Soomaaliya uuna waqtigiisa iyo aqoontiis ku caawindoono xirfadlayaasha Ocean Stars hadii uu waqti wanaagsan u leh sanadaha soo aadan.

01-April 2019-Tababre Hayford ayaa ciyaartoooyda Xulka Qaranka Soomaaliya u bilaaway tababarka ay iskugu diyaarinaynaa tartmada ay ka qeyb galayaan sanada 2019 .

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/422835754944543/

Guddomiye ku Xigeenka 1-aad ee Xirirka Soomaaliyeed  ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa sharaxaad ka bixiyay sababaha ay Macalinka u soo qaateyn xiriirka kubbadda cagta iyo qorshaha kaga aadan horomarinta xirfadlayaasha xulka qaranka Soomaaliya.

Tababare Hayford Kooxihii ugu caansanaa uu soo maamulayay gudaha wadankiisa Ghana waxaa ka mid aha Power FC, Heart of Lions iyo kuwa kale oo badan,isagoo kusoo guulaystay horyaalka Ghana wuxuuna Goobjoog Spots u sheegay in uu dadaal badan ku bixindoono dhisida xulalka heerarka  kala duwan ee qaranka.

Da’yarta xulka dalkeena ayaa sanadii 2018 gaaray fiinaalka kama dambeysta koobka barig iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacay dalka Burundi,Macalin Hayford waxa uu ku rajo weynyahay in aan taariikh wanaagsan kaga tagto laylinta xulka Soomaaliya uuna u mahad celinayo fursado ay siiyeen Xiriika Kubbadda Cagta Dalka.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Magacaabida Tababre Bashir Hayfor

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/584058865438394/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle