U bood dhigaalka

Machadka Tababarka Caafimaadka Soomaliya Ee Rajab Erdogan Oo Muqdisho Laga Furay

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta magaalada Muqdisho laga furay Machadka tababarka oo raacsan Jaamacadda Cilmiga Caafimaadka(Sağlık Bilimleri Üniversitesi), kaas oo ardeyda Soomalaiyeed lagu tababari doono.

Ilaa shan Barnaamij ayaa lagu baran doonaan Machadkan Labotariga, Umulisonimada, radiologist ama Raajo, anaesthesia ama suuxdinta iyo  Kalkaaliyenimada.

Ardeyda la qaatay waa 220 ardey oo u badan gabdho, Machadkan waxaa uu qeyb ka yahay Jaamacadda Cilmiga iyo Caafimaadka ee hoostagta wasaaradda caafimaadka dalka Turkiga, waana barachigii ugu horeeyay ee laga furo meel ka baxsan dalka Turkiga.

Isbitaalka ay ardeyda ku tababaran doonaan ee Ardogan waxaa la furay January 15, 2015-kii, maanta ayaa lagu daray Machadkan Cilmiga iyo Caafimaadka.

Macalimiinta wax ka dhigi doona Machadka waa Turkey iyo Soomaali, waxaa kaloo ardeyda la bari doonaan Luqadda Turkiga.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa oo Machadka furay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Turkiga ay ka caawiyaan meelaha ay u baahan tahay.

Jaamacadda uu Machadkan Muqdisho laga furay ka tirsan yahay waa Sağlık Bilimleri Üniversitesi, waxaa la aasaasay 1903, waxaa ay xiriir la leedahay ilaa 58 Isbitaal.

Waxaa Jaamacadaas lagu dhigaa: Nursing, life sciences, Health sciences, Pharmacy, Mediciene

 

1 2 3 4 6

Goobjoog News