U bood dhigaalka

Machadka Daraasaadka iyo Cilmi Baarista ee Hiigsi oo Nairobi Lagu Daah furay (SAWIRRO)

Sheeko:War

Munaasibadda daahfurka Machadka Daraasaadka iyo cilmi barista ee Hiigsi oo shalay galab ka dhacday Hotelka Nomad ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ka soo qeyb galay aqoonyahanno kala duwan oo Soomaaliyeed.

Machadka Hiigsi oo ah Machad ay aas aaseen dhalinhyararro aqooyahanno Soomaaliyeed oo ku nool dalka iyo dibadiisa ayaa waxaa uu cilmi baaris iyo daaraasadyo kala duwan uu ku sameyn doonaa arrimaha isbadalada dalka Soomaaliya ka socda gaar ahaana dhinaca isbadalka Waxbarashada, Siyaasadda , amaanka iyo arrimaha bulshada.

Dhamaan aqoonyahanaddii munaasibadda daahfurka Hiigsi ka qeyb galay ayaa si weyn u taageeray fikraddii  aas aaska Machadka Daaraasaadka iyo cilmi barista ee Hiigsi.

Arrimaha kale uu Machadka Hiigsi diiradda saari doono waxaa kamid ah, qabashada Madasha Hiigsi oo ahaan doonta kullan cilmiyeed ay todobaadkiiba mar fikirado aqooneed ay isku waydaarsan doonaan aqoonyahannadda iyo bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi, tababarro iyo macluumaad kale oo aqoon xambaarsan.

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ugu horreyn munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in xarumaha Machadka Hiigsi (Think Thank Institutions) lamidka ah ay kamid yihiin xarumaha ay ku hormareen wadamada caalamka isagoo tusaale u soo qaatay dalka Mareykanka oo ay ka dhisan yihiin kumanaan xarumaha noocaan ah ee cilmi barista iyo daraasaadka sameeya.

Khadar Maxamuud Xareed oo ah madaxa Machadka Hiigsi kana mid ahaa aasaasayaashii xaruntan ayaa munaasibadda ka sheegay in Machadka Hiigsi uuwaxa badan bulshada Soomaaliyeed ka caawin doono iyagoo baaritaanno hoose ku sameyn doona hadba mowduuca markaasi ay bulshada maanka ku hayaan, wuxuuna sheegay in Machadku uu la fal gali doono xarumiha haatan dalka ka howlgala sida Heritage iyo Hiraal.

Dr Ibraahim Faarax Buursaliid oo isna munaasibadda ka hadlay ayaa soo dhawyeyn iyo mahadcelin kadib waxaa uu munaasibadda ka soo jeediyay sheeko aad u soo jiidatay kasoo qeyb galayaashii xafladda taasoo ahayd Sheeko uu ugu magac  daray *Riyadii Riyooyinka* taasoo uu ku eegayay marxadda uu haatan dalkeena Soomaaliya ku jiro, miraha sheekadiisa wuxuu kasoo bilaabay Saylac ilaa Kismaayo.

Intaasi kadib waxaa munaasibadda lagu soo gaba gabeeyay dood cilmiyeed ay ka wada qeyb galeen Prof.  Cabdiwahaab Cabdisamad, Aqoonyahan Muna Diirshe, Wariye Muxyadiin Axmed Rooble iyo Aqoonyahan Xuseen Baaruud Gaaxnuug taasoo ku saabsaneyd muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay Cilmi barista, waxaana doodaasi ay ahayd mid ay aad ugu riyaaqeen kasoo qeyb galayaashoo munaasibadda.

Sikastaba Machadka Hiigsi oo xafiisyo  kala duwan ku leh Muqdisho iyo Nairobi ayaa wuxuu bilaabi bisha dambe bilaabi doonaa cilmi baaris iyo daraasaad ku saabsan heerka tayada Waxbarasho ee dalkeena Soomaaliya.

Goobjoog News