U bood dhigaalka

Machadka Heritage oo ka hadlay eedeymaha qaramada midoobey u jeedisay dowladda

Sheeko:War
Hertage
Madaxa machadka Heritage,Cabdiraxmaan Ceynte

Mac-hadka cilmi baarista Heritage ayaa ku tilmaamay warkii ka soo baxay kooxda la socdka cuna qabateynta saaran Soomaaliya mid aan lagu kalsoonaan karin.

Cabdiraxmaan Ceynte oo ah madaxa Heritage ayaa ku tilmaamay Somali monitoring group kuwo aan la socon xaaladda Soomaaliya.

Kooxda la socodka cuna qabateynta saaran dalalka Soomaaliya iyo Eretria ayaa sheegay in musuq maasuq baahsan uu ka taagan yahay hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Warbixinta kooxdan ay soo saartay ayay ku sheegtay in hantida dowladdu ay hesho loo isticmaalay dana shaqsiyadeed. Warbixintan ayaa si gooni ah loogu tilmaamay madaxda ugu saraysa dalka oo uu ka mid yahay madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud.

 

Wararka Goobjoog news