U bood dhigaalka

Machadka Isgaarsiinta Qaranka Oo Dib Loo Hawlgeliyay

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda ayaa dib u hawl-gelisay Machadka Tababarka Isgaarsiinta Qaranka oo hoos tagi jiray Wasaaradda, kaas oo sare u qaadi doona xirfadaha teknoolojiyada ee dalka.

Machadka oo la aas-aasay sanadkii 1976-dii waxaa dhinaca qalabka iyo tababarrada ka caawin jiray ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), hase yeeshee waxay hawlihiisi joogsadeen sanadkii 1991-kii. balse tan iyo sanadkii 2011-kii waxaa la isku dayay in dib loo kiciyo Machadka, waxaana jirtay caqabad ah sidii loo heli lahaa qalabkii farsamada isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda ee lagu tababaran lahaa, taas oo haatan la xalliyay.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in Machadka uu wax weyn ka qaban doono sidii loo soo saari lahaa xirfadlayaal dhinaca teknoolojiyada ah waxa uuna yiri “Markii aan xilka la wareegnay waxaan goosanay inaan Machadka ku dhisno isku-tashi, waxaana qalabkan iyo dayactirka ku sameynay inagoo kaashanay bahda waxbarashada, inaga oo aan Xukuumadda wax lacag weydiisanin”.

Machadka ayaa haatan lagu diyaariyay sheybaarro computer iyo cisco ah (computer and Cisco labs), waxayna ardeydu ku tababaran karaan internetka Dawladda, dotSO oo laga baranayo sida loo maamulo website-yada, Xarunta Isku-xirka Internetka (Internet Exchange Point), kuwaas oo ay Wasaaradda hirgelisay lixdii bilood ee u dambeysay, iyadoo hawlahaasi ay Wasaaradda kala shaqeyn doonto Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Goobjoog News