U bood dhigaalka

Macluumaad Laga Helay Email-ka Maamulaha CIA-da oo La Jabsaday

Sheeko:Dalka

Wikileaks ayaa daabacday in la  jabsaday cinwaanka iyo Email-ka gaarka ah ee maamulaha CIA-da Mareykanka John Brennan.

Hay’adaha nabadsugidda Maraykanka  ayaa sheegtay in arinkaas ay tahay dambi iyo ku xadgudub Shakhsiyadda iyo Khusuusiyadiisa, iyadoo intaa ku dartay in aan Emailka la jabsaday aanu ku jirin wax sir ah

Wararka waxaa ay sheegayaan in arday dugsi sare dhigta uu u dhacay ama jabsaday Emailka maamulaha CIA Mareykanka John Brennan, lakin Wakaaladda waxaa ay ku adkeysaneysaa in aan Macluumaad sir ah la helin.

Warqadaha ay Wikileaks soo bandhigtay waxaa ka mid ah warbixin 2008 ah oo ku saabsan sida ay dadka su’aalo u weydiiyaan iyo arimo kale, waxaa kaloo jirta in Shabakadda ay balan qaaday in maalmaha soo socda ay soo bandhigi doono sir kale.