U bood dhigaalka

Macron Oo Ka Dalbaday Trump In Uu Joogteeyo Heshiiskii Nukliyeerka Ee Iran

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Faransiiska Emmanule Macron ayaa ka dalbaday Donald Trump inuu joogteeyo heshiiskii  Nokliyeerka oo ay wadagaleen Iran iyo dowladaha awoodda leh.

Macron ayaa hadalkan sheegay mar uu wareysi siinayey mid ka mid ah telefishinnada Mareykanka, waxaa la filayaa in Macron uu booqasho uu ku tago maanta Mareykanka taasi oo qaadaneysa muddo saddex maalin ah.

Madaxwenaha Mareykanka  Donald Trump ayaa sheegay in uu ka baxayo heshiiskii Nukliyeerka ee ka dhaxeeya Iran iyo dowladaha awoodda leh, dhanka kale Iran ayaa sheegtay in haddii Mareykanka uu ka baxo heshiiskan ay qaadi doonto tallaabo la filaan ah.

Iran waxay ku tilmaantay heshiiskan kii ugu xumaa oo ay abid gasho, waxay sheegtay in haddii Mareykanka uu ka baxo ay horumarin doonto wakaaladdeeda Nukliyeerka.

Goobjoog News