U bood dhigaalka

Madaafiic Kusoo Dhacday Nawaaxiga Villa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dhowr madfac oo la sheegay iney Hoobiyeyaal ahaayeen ayaa maanta kusoo dhacay nawaaxiga xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan ayaa la sheegay in qaarkood ku dhaceen xaafadda Ex Fiyoore oo ku dhow madaxtooyada, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey Afar qof ayaa ku dhaawactay madaafiicdan, iyadoo khasaarahana intaasi ka badan karo.

Lama ogalka halka laga soo tuuray madaafiicdan, iyadoo ciidamada ammaanka la sheegay iney howlgallo wadaan.

Marar badan sidan oo kale waxaa maalin cad madaafiic lagu soo tuuray qeybo kamid ah degmada Wardhiigley, gaar ahaan nawaaxiga Villa Soomaaaliya.

Saraakiisha ammaanka gobolka Banaadir weli wax war ah kama aanay bixin madaafiicdan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog New