U bood dhigaalka

Madaafiic Kusoo Dhacday Xaafado Ka Tirsan Degmada Warta Nabadda Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in goor dhow xaafado  ka tirsan degmadaasi ay kusoo dhaceen tiro madaafiic ah.

Mar qura ayeey dadku kusoo baraarugeen illaa Afar Madfac oo nooca Hoobiyaha lagu sheegay oo kusoo dhacaya xaafadahooda, taasi oo shacabka qalqal ku beertay.

Ilaa iyo iminka lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdan, hase ahaatee waxaa halka madaafiicdan ay kusoo dhacday ku qulqulaya gaadiidka gurmadka degdegga ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News