U bood dhigaalka

Madaafiic Lagu Garaacay Saldhig Ciidamada Puntland Ku Leeyihiin Galgala, Bari

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay madaafiic ku garaaceen saldhig ay ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaanka Galgala ee gobolkaasi.

In ka badan Shan madfac ayaa la sheegay in saldhigga gudahiisa iyo bannaankiisa ay ku dhaceen, balse lama oga khasaaraha halkaasi ka dhashay

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay soo dhigeen in madaafiicdaasi ay waxyeello ku gaarsiiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland.

Dhanka kale, wasaaradda amniga Puntland weli wax faah faahin ah kama aanay bixin madaafiicdan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News